(Torino) 11 Feb 2018 – Garsooraha reer German ee Felix Brych ayaa loo saaray dhexdhexaadinta kulanka Champions League wareeggiisa 16-ka ee u dhexeeya kooxaha Juventus iyo Tottenham Hotspur, kaasoo qabsoomaya Talaadada soo dhow.
Brych ayaa waxaa kaalinaya Mark Borsch, Stefan Lupp, halka ay goolka ag taagan yihiin Bastian Dankert iyo Marco Fritz. Xeer ilaaliyaha 4-aad waa Markus Hacker. Waana wada Jarman.
Juve ayaan xusuus wanaagsan ku ag lahayn Brych, maaddaama uu 42-jirkan oo kasoo jeeda magaalada Munich uu qabanayay 2017 Champions League Final halkaasoo ay 4-1 JUVE ku xaaqday kooxda Real Madrid.
Guud ahaan se Bianconeri laba jeer bay badisay, laba kalena waa lagagaga adkaaday ciyaaro uu u qabtay Bruch.
Rikoodhka Tottenham ee Brych ayaa se kaba sii daran, waayo labada kulan ee qura ee uu u qabtay waxaa looga badiyay 6-0 isu gayn ahaan, mid wuxuu ahaa 2-0 ay Udinese uga badisay Oktoobar 2008 iyo 4-0 ay rubuc-dhamaadka kula dhufatay Real Madrid bishii Abriil 2011.
Safarkaa Madrid wuxuu garsoorahani garoonka ka eryey Peter Crouch 15 daqiiqo uun gudohood.
Gool FM