(Europe) 12 Feb 2018. Angel Di Maria ayaa u boolo xoofteeyay naadigiisii hore ee Real Madrid isagoona u sheegay in PSG ay ka adag tahay sida sanadkii hore.
Los Blancos ayaa arbacada Bernabeu ku soo dhaweyn doonta camaaliqada Spain lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.
PSG ayaa si fool xun uga soo hartay Champions League sanadii hore markii ay lix gool u dhiibtay Barca iyadoo ay jirto inay lugtii hore ku soo adkaatay afar gool, Di Maria ayaase qaba in sheekadaas laga soo gudbay hadda oo ay kooxdu ka shidan tahay sidii hore.
“Sanadkii hore waan ka xoogannahay,” Di Maria ayaa sidaa ku yiri wareysi uu siinayay bogga Rasmiga ah ee PSG.
“Kulamada ceynkan oo kale ah waxaad u baahan tahay wax ka badan farsamo.
“Waxaad kaloo u baahan tahay nasiib si aad u guuleysato.”.
Gool FM.