(Madrid) 13 Feb 2018 Laacibka qadka dhexe ee Real Madrid ayaa ka hadlay kulanka adag ee kooxdiisu ay wajahays habeen dambe PSG.
Toni Kroos ayaa sheegay in xiliciyaareed kii hore shaki laga qabay in Real Marid ay ku guulaysan karto Champions League balse ay beeniyeen fahamkii dadku uu ka haystay kooxdiisa.
Xiddiga reer Jarmal ayaa rumaysan in kooxdiisu ay ka adkaan karto PSG isla markaana ay u soo gudbi karto wareega 8-dhamaadka ee koobka horyaalada yurub.
“Waxaan rumaysanahay in dhamaan ay shaki ka muujinayeen qaab ciyaareed keena sanadkii hore, natiijada ayaana noqotay inaan qaadno Champions League” ayuu yiri Toni Kroos.
“Xiliciyaareedkii hore waxaan ka hortagnay Bayern Munich iyo Atletico Madrid kadibna Juventus, sidaas ayaanan ku qaadnay koobka”.
“Wax walba waxay ku xiranyihiin sida aan u aaminsanahay nafteena, ma awoodnaa? haa, waan awoodnaa inaan reebno PSG haddii aan nahay Real Madrid”.
Gool FM