(Madrid) 15 Feb 2018 Cristiano Ronaldo ayaa xalay guul farta ka saaray kooxdiisa Real Madrid, lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.
Xiddiga reer Portugal ayaa qaybtii hore goolka barbaraha u dhaliyay Real Madrid kadib markii uu shabaqa ku hubsaday gool ku laad lagu galay Kroos.
Goolkaas ayaa muran ka dhex dhaliyay baraha bulshada iyo saxaafada ka hadasha ciyaaraha, kadib markii la arkay kubadda oo wax yar kor u booday ka hor intii aysan soo gaarin lugta Ronaldo.
Dadka qaar ayaa ku doodaya in Ronaldo uu sixir adeegsaday xalay, taasna ay keentay inuu guul ku hugaamiyo kooxdiisa Real Madrid.
Kuwo kale ayaa sheegay in lugta bidix ee Ronaldo ay riixday cowska taasna ay keentay in kubaddu ay wax yar kor u dhaqaaqdo ka hor intii uusan laadin.
Christiano Ronaldo’s greatness is the cause of Illuminati.
How can a ball jump from the ground like that?
— Theo The Ninja
(@Yung_TheoLogySA) February 15, 2018
Gool FM