Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“90-daqiiqo oo kale ayaa harsan”– Zidane oo ka hadlay guushii xalay

$
0
0

(Madrid) 15 Feb 2018 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay guushii xalay kooxdiisu ay ka gaartay PSG oo marti u ahayd.

Real Madrid ayaa 3-1 uga adkaatay PSG oo kala hormartay gool, Ronaldo iyo Marcelo ayaana guushaas ka caawiyay kooxda boqortooyada Spain.

Zidane ayaa sheegay in 90-daqiiqo oo kale ay harsantahay isla markaana uu ku faraxsanyahay shaqsiyadii ay soo bandhigeen ciyaartoydiisa kulankii xalay.

“Wali laguma kala bixin oo 90-daqiiqo kale ayaa harsan, waan faraxsanahay waayo waxaan ciyaarnay kulan aan soo muujinay shaqsiyadeena, waana ka farxinay taageerayaashii garab taagnaa kooxda” ayuu yiri tababare Zidane.

“Caawa waa inaan faraxsanaanaa, laakiin 3-isbuuc kadib waxaan ciyaari doonaa kulan kale, waan ognahay inaan dhibtoon doono kulankaas”.

“Wuxuu ahaa kulan adag, laakiin ciyaar wayn ayaan soo bandhignay bilow ilaa dhamaad, afar laacib ayaan ka ciyaarsiinay qadka dhexe halka iyagu ay ku ciyaarayeen 3-laacib qadka dhexe, Isco ayaa naga sareeysiiyay”.

“Kooxdaan taariikh wayn ayeey ku leedahay Champions League, anaga ayaa ah kooxda ugu badan ee ku guulaysatay koobkaan waana 12-mar, waxaan rabno inaan xaqiijino ayaa ah inaan dadka tusno in marwalba Real ay leedahay awoodeeda”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles