Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

XAQIIQOOYINKA CIYAARTA: Maxaa Laga Bartay Kulan Ciyaareedkii Real Madrid vs Paris Saint Germain

$
0
0

(Madrid) 15 Feb 2018. Real Madrid ayaa guul qurux badan kaga gaartay garoonkeeda Santiago Barnabeu Dhigooda Paris Saint Germain kuwaas oo awood ciyaareed kusoo bandhigay Tartanka heerkiisii group yada.

Laba gool oo ka timid Cristiano Ronaldo iyo gool uu dhaliyay Marcelo ayaa kooxda  Zinedine Zidane kaga Filnaatay iney 3-1 ku garacaan kooxda weerarka Culus heysataa ee PSG.

Hogaamiyaasha horyaalka  Ligue 1 ee PSG ayey rajadoodu aad ugu adag tahay usoo bixitaanka wareega Sideed dhamaadka xili kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid ay hesyto natiijo wax ku ool ah.

Hadaba maxa laga bartay kulankii dhexmaray Real iyo PSG

Real Madrid ayaa adkaaneysay mid walba oo kamid ah todobadoodii ciyaar oo ay Heerka isreeb-reebka Champions League ku dheelaan garoonka  Bernabeu inta uu leylinayo  Zinedine Zidane.

Paris St-Germain ayaa guuldareysatay kulamo xiriir ah koobka Champions League Markii ugu horeysay tan iyo  April 2015 waqtigaas uu maamule kooxda ka ahaa Laurent Blanc.

Ronaldo ayaa 12 ciyaar ee u dambeysay tartanka Champions League waxa la arkay isagoo dhalinaya 21 gool, halka kulan ee uu ku guuldareystay inuu gool dhaliyaa waxuu ahaa ciyaar uu ka hortagay Atletico Madrid bishii  May 2017.

Paris St-Germain ayaa dhalisay 127 gool 39 kulan oo ay ciyaareen dhaamaan Tartamada xagaagan – waana mid ka badan koox walba oo ka dhisan shanta Horyaalka ee ugu sareysa qaaraya yurub.

Adrien Rabiot  ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League tan iyo Bishii April 2016 kulan ay la ciyaareen kooxda Manchester City, iyadoona mid kasta oo kamid ah goolashiisa shanta ah ee uu xili ciyaareedkan u dhaliyay PSG dhamaan tartamada ay yihiin kuwo ka imaanayay tartamo kala duwan.

Gareth Bale waxa uu saftay kulankiisii 50aad ee Champions League ciyaartii PSG, isagoona noqday laacibka labaad ee reer Wales ee sidaasi sameeya kadib Ryan Giggs, oo tartankan saftay 141ciyaar.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles