(Yurub) 16 Abriil 2016 – Isku aadka afar dhammaadka tartanka xiisaha leh ee Champions League ayaa shalay la sameeyey, iyadoo ay isugu soo hareen afarta kooxood ee Bayern Munich, Real Madrid, Man City iyo Atletico Madrid.
Waxaa la isku aaddiyey kooxaha Real Madrid iyo Man City, halka qoorta la isku geliyey Atletico Madrid iyo Bayern Munich, haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa saddex waddan oo min saddex ciyaaryahan ay uga qeyb galayaan afar dhammaadka Champions League, waana dalalka saddexaad ee ugu yar marka la eego dalalka xiddigaha ugu badan ku leh Semi final-ka Champions League.
Saddexda waddan ee min saddexda ciyaaryahan ku leh Semi final-ka Champions League waxa ay kala yihiin England, Belgium iyo Portugal.
Haddaba halkaan hoose ka eeg saddexda Waddan iyo ciyaaryahanka uga qeyb galaya magaciisa iyo kooxda uu ka tirsan yahay:-
3 – Belgium (Yannick Ferreira Carrasco oo ka tirsan Atletico Madrid & Vincent Kompany iyo Kevin De Bruyne oo ka wada tirsan – Manchester City)
3 – England (Goolhaye Joe Hart, Raheem Sterling iyo Fabian Delph oo ka wada tirsan – Manchester City).
3 – Portugal (Tiago oo ka tirsan Atletico Madrid & Cristiano Ronaldo iyo Pepe oo ka wada tirsan – Real Madrid).
Dhinaca kale Waddamada Uruguay, Croatia, Colombia iyo Ivory Coast ayay min labo ciyaaryahan uga qeyb galayaan afar dhammaadka Champions League.
Gool FM.