(Yurub) 16 Abriil 2016 – Isku aadka afar dhammaadka tartanka Champions League ayaa shalay la sameeyey, iyadoo ay isugu soo hareen afarta kooxood ee Bayern Munich, Real Madrid, Man City iyo Atletico Madrid.
Waxaa la isku aaddiyey kooxaha Real Madrid iyo Man City, halka qoorta la isku geliyey Atletico Madrid iyo Bayern Munich.
Haddaba Spain ayaa ah dalka xiddigaha ugu badan ay uga qeyb galayaan afar dhammaadka tartanka Champions League, waxaana uga qeyb galaya Semi final-ka Champions League 21 ciyaaryahan.
Haddaba halkaan hoose ka eeg Dalka Spain iyo ciyaaryahannada uga qeyb galaya magacyadooda iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin:-
21 – SPAIN:
Real Madrid 9: Sergio Ramos, Nacho, Kiko Casilla, Dani Carvajal, Álvaro Arbeloa, Lucas Vázquez, Jesé, Isco iyo Rubén Yáñez.
Atlético Madrid 8: Miguel Ángel Moyà, Koke, Fernando Torres, Óliver, Gabi, Saúl, Jesús Gámez iyo Juanfran.
Manchester City 2: Jesús Navas iyo David Silva.
Bayern Munich 2: Javi Martínez iyo Xabi Alonso.
Gool FM.