(Madrid) 17 Abriil 2016 Daafaca kooxda Real Madrid Marcelo ayaa ka hadlay isku aadka Semi Final-ka koobka horyaalada yurub iyo kooxda uu jecelyahay in Real Madrid ay laciyaarto Final-ka.
Marcelo ayaa sheegay in Man City aysan ahayn koox liidata oo si fudud looga adkaan karo wuxuuna intaa ku daray inuu jeclaan lahaa inay final-ka laciyaaraan Atletico Madrid.
“Man City ma ahan koox daciif ah, ma jirto koox daciif ah oo soo gaartay Semi Final-ka Champions League, City waa koox xoogan sida kooxaha kale” ayuu u sheegay Marcelo wargayska AS.
Marcelo ayaa la waydiiyay inuu jeclan lahaa laciyaarida Final-ka Atletico wuxuuna ku jawaabay:
“Haa dabcan, waxaan doonaynaa inaan la ciyaarno final-ka Atletico Madrid si lamid ah koobkii 10-aad”.
Gool FM