(Manchester) 17 Abriil 2016 Weerar yahanka kooxda Man City Sergio Aguero ayaa digniin hawada u mariyay kooxda Real Madrid oo ay isku arki doonaan Semi Fonal-ka Champions League.
Aguero ayaa sheegay inuu doonayay inuu koobka horyaalada yurub kula guulaysto kooxda Man City tan iyo markii uu ku soo biiray wuxuuna intaa ku daray in haatan uu xooga saarayo sidii ay ku dhaafi lahaayeen Real Madrid.
“Tan iyo markii aan imid Man City waxaan doonayay inaan kula guulaysto koobka horyaalada yurub, waxaan rajaynayaa inaan gaarno Final-ka oo aan ku guulaysano koobka” ayuu yiri Aguero.
“Real Madrid sifiican ayeey u dhaqmeen rubuc dhamaadkii Champions League, waxayna ku guulaysteen u soo bixitaanka Semi Final-ka iyaga oo ka faa’idaysanaya ciyaartoydooda waa wayn kuwaas oo awooda ku guulaysiga koobka”.
“Real waxay haystaan ciyaartoy awooda inay goolal dhaliyaan waqti walba”.
Gool FM