Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Bayern Munich oo ku rajo wayn in Jerome Boateng uu taam u noqdo kulanka Atletico Madrid

$
0
0

(Munich) 18 Abriil 2016 Wararka ka imaanaya gudaha Germanka ayaa sheegaya in kooxda Bayern Munich ay ku rajo wayn tahay in daafacooda Jérôme Boateng uu dib ugu soo laaban doono kooxda ka hor kulanka Atletico Madrid.

Bild ayaa shaaca ka qaaday in dib u soo laabashada Jérôme Boateng ee ka hor kulanka Atletico uu haatan yahay mid suuro gal ah kadib markii saaka uu ka soo muuqday tababarka kooxda Bayern Munich.

Jérôme Boateng oo la hadlay Bild kadib guushii Bayern Munich ay ka gaartay Schalke04 ayaa yiri: “Waxaa hortayda ah 20% ilaa 30% si aan  dib ugu helo heerkaygii hore”.

Boateng ayaa ka maqnaa kooxdiisa tan iyo bishii Janaayo, waxaana haatan lafilayaa inuu ka soo muuqdo kulanka 27-da bishaan ay kooxdiisu ka hortagi doonto Atletico Madrid.

Gool FM 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles