Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Atletico Madrid waa sida Juventus.”. Vidal oo aaminsan inay balaayo qoorta kula jiraan

$
0
0

(Munich) 20 Abriil 2016. Arturo Vidal ayaa aaminsan in Atletico Madrid tahay naadiga ugu adag ay Bayern Munich ku aadi kartay semi-final ka Champions League wuxuuna la meel dhigay kooxdiisii hore ee Juventus.

Bayern ayaa u baahatay waqti dheeri ah si ay wareega 16-ka ugu soo reebaan kooxda xafidaneysa horyaalka Serie A ka hor inta aysan ka soo bixin sideed dhammaad adag ay la yeelatay kooxda Benfica.

Wiilasha Diego Simeone waxay soo reebeen kooxdii xafidaneysay loona badinayay inay markannaa ku guuleysato Champions League ee Barcelona  si ay ugu soo aadaan kooxda ka ciyaarta Bundesliga.

“Atletico waa kuwa ugu adag oo aan ku aadi karnay semi-final ka. Waxaan taa ka dheehanahay kulankii Barcelona. Vidal ayaa sidaa u sheegay Marca.

“Waa koox fiican jir ahaanna xoogan. Wuxuu noqon doonaa kulan aad u adag, laakiin waxaan rajeynaynaa inaan final-ka ugu gudubno.

“Waxaan u maleyanayaa in hab ciyaareedkeena uu faa’iido u noqon karo. Waxay doonayaan inay la ridaan kuwa ka soo horjeeda waqtiga nasiinada, waa inaan midaa ka digtoonaanaa aana u ogolaan meel bannaan, Atletico waa kuwa la mid ah Juventus nolosha ayayna nagu adkeeyeen.

“Ma awoodi karno inaan si fudud u qaadano, Atletico aad ayay geesi u yihiin una dagaal badan yihiin wuxuuna noqon doonaa kulanku mid jir ahaaneedn (Xoog la isugu faano).

“Simeone waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka. Si aad u fiican ayuu ka sameynayay Atletico. Wuxuu ku hogaamiyay La Liga iyo final-ka Champions League.

Lugta hore ee semi final ka Champions League ee A. Madrid iyo Bayern Munich ayaa la ciyaari doonaa 27-ka bishan wuxuuna ka dhici doonaa Vicente Calderon halka lugta labaad lagu ciyaari doono Allianz Arena 3-da bisha May.

atletico

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles