(London) 21 Feb 2018 Luis Suarez ayaan xalay nasiib u yeelan inuu soo taabto shabaqa kooxda Chelsea, inkasta oo uu sifiican u ciyaaray kaliya qaybtii dambe.
Dhamaadkii ciyaarta, daaficii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher oo haatan ah falanqeeye ayaa si gooni ah u soo booqday saaxiibkiis Luis Suarez.
Wuxuuna ka codsaday inuu funaanadiisa siiyo wiilkiisa oo muddo u taamayay funaanada Luis Suarez ee Barcelona oo saxiixan.
Suarez ayaa u saxiixay kadibna funaanadii uu xalay ku ciyaaray ku wareejiyay Jamie Carragher si uu ugu geeyo wiilkiisa.
Jamie Carragher iyo Luis Suarez ayaa saaxiibo ku ahaa Liverpool 2011 ilaa 2013, markaas oo Jamie uu ka fariistay kubadda cagta.
Gool FM