(London) 21 Feb 2018 Weerar yahanka amaahda uga maqan Chelsea ee Michy Batshuayi ayaa si wayn ula dhacay qaab ciyaareedkii Kante uu xalay kala hortagay Barcelona.
Tababare Antonio Conte ayaa N’Golo Kante u xilsaaray inuu ilaalo ka haayo xiddiga Barcelona ee Lionel Messi, taas oo uu intabadan ku guulaystay.
Michy Batshuayi oo ciyaarta daawanayay ayaa la dhacay Kante, wuxuuna sheegay inuu meel walba oo ka mid ah garoonnka uu ku arkayo Kante.
Bartiisa Twitter-ka ayuu ku soo qoray: “Meel walba ayaan ku arkayaa N’Golo Kante”.
I see Ngolo everywhere
pic.twitter.com/C9SradxPsE
— Michy Batshuayi (@mbatshuayi) February 20, 2018
Gool FM