(Europe) 21 Feb 2018. Lionel Messi ayaa ugu dambeyn xalay gaaray Shabaqa Chelsea sagaal kulan kaddib ciyaartii xalay ay isla dhaafi waayeen bar baraha 1-1.
Blues ayaa ahayd naadiga uu Messi waqtiga ugu dheer la dheelay misane uusan gool ka dhalin inkastuu xalay soo afjaray sheekadaas.
Haddaba Lix kooxood oo qura ayaa u harsan iminka inuu gaaro shabaqooda tartanka Champions League.
Kabtanka Argentina ayaa 37 kooxood ku wajahay Koobka dhaga waynaha balse Lix kooxood ayuusan gool ka dhalin ilaa iminka.
Hadda Ogoow Lixda weli u harsan Messi:
Liverpool – 180 Daqiiqo
Atletico Madrid – 360 Daqiiqo
Benfica – 122 Daqiiqo
Rubin Kazan – 237 minutes
Udinese – 70 minutes
Inter Milan – 270 minutes
Gool FM.