Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ogoow laacibkii xalay nasiibka u yeeshay inuu Messi funaanada ka badasho

$
0
0

(London) 21 Feb 2018 Lionel Messi ayaa xalay markii ugu horaysay soo taabtay shabaqa kooxda Chelsea, kadib ciyaar ku soo idlaatay 1-1.

8-kulan oo hore oo uu ka hortagay Messi kooxda Chelsea wax gool ah kama dhalin, balse xalay si wayn ayuu ugu dabaal dagay goolkii uu ka dhaliyay.

Ciyaartoy badan oo ka tirsan Blues ayaa xalay tartan u galay sidii ay funaanada uga badalan lahaayeen Lionel Messi.

barca chelsea (3)

Cesc Fabregas ayaa xalay nasiib u yeeshay in funaanada ay is dhaafsadaan saaxiibkiisii yaraanta ee Lionel Messi.

Labada laacib ayaa si gooni ah u sheekaystay dhamaadkii ciyaarta, waxaana wehliyay Luis Suarez oo sheekadooda gadaal uga soo biiray.

barca chelsea (4)

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles