(Manchester) 22 Feb 2018 Wargayska Marca ayaa xalay ku eedeeyay tababare Jose Mourinho inuu u yimid Sevilla si uu u difaacdo kaliya goolkiisa.
Tababaraha reer Portugal ayeey ku eedeysay inuusan ugu talo galin xalay inuu guul ka gaaro kooxda Sevilla, waxayna aad u amaantay David De Gea oo xalay badbaadiyay United.
Wargayska ayaa ciwaan uga dhigay ciyaarta “Way adagtahay inaad guulaysato marka aadan doonayn guusha”, Mourinho ayaana xalay soo bandhigay kubadd taatiko ahaan ka liidatay Sevilla.
“Special One wuxuu ugu talo galay inuu kubadd haysiga siiyo Sevilla, si uu ugu ciqaabo kooxda reer Spain weerar rogaal celis ah isaga oo ka faa’idaysanaya orodka Alexis Sanchez” ayaa lagu yiri warbixinta.
“Ugu danbayntii De Gea ayaa noqday xiddiga garoonka kadib markii uu sameeyay badbaadin badan, halka goolhaye Sergio Rico uusan la kulmin kubaddo halis ku ah goolkiisa”.
Wargayska ayaa amaanay De Gea oo uu ku tilmaamay inuu yahay goolhayaha haatan ugu fiican adduunka, balse wuxuu dhaleeceyn u jeediyay Sanchez oo uu sheegay in United ay u soo iibsatay inuu go’aamiyo kulamadaan oo kale.
Gool FM