Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu ka yiri goolhaye De Gea kubaddii uu ka badbaadiyay Luis Muriel?

$
0
0

(Manchester) 22 Feb 2018 Goolhayaha Manchester United ee David De Gea ayaa ka hadlay kubadihii wacnaa ee xalay uu ka badbaadiyay goolkiisa.

Dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta ayuu sameeyay goolhayaha reer Spain baadbaadintii isbuuca ee Champions League kadib markii uu banaanka u saaray kubadd uu soo madaxeeyay Luis Muriel.

David De Gea ayaa sheegay in badbaadintaas ay ahayd mid u wanaagsan kooxdiisa maadama aan wax gool ah la taabsiin shabaqooda kulankii xalay.

“Waxay ahayd badbaadin fiican gaar ahaan marka loo fiiriyo waqtiga uu ku soo aaday oo ah dhamaadka qaybtii hore, muhiim ayeey noo ahayd in aan shabaqeena gool la taabsiin” ayuu yiri De Gea.

“Sifiican ayaan u difaacanay goolkeena, iyaga ayaase maamulayay ciyaarta, laakiin kulanku wuxuu u ahaa mid u furan labada dhinac”.

“Waxa kaliya ee ugu muhiimsanaa ciyaarta ayaa ahaa in aan gool naga dhalin, garoonkeena ayaan ku ciyaari doonaa kulanka lugta labaad, waxaan filaynaa inaan guul gaari doono”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles