Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kabtanka Chelsea oo DIGNIIN u diray Barcelona

$
0
0

(England) 13 Maarso 2018. Chelsea ayaa habeen dambe u safri doonta Spain si ay lugta labaad ee wareega 16 ka Champions League ula soo ciyaarto Barcelona.

Kabtanka Chelsea Garry Cahill ayaa u diray Barcelona digniin ah inay kooxdiisu soo safreyso iyagoo aaminsan inay u soo bixi karaan wareega 8-da Champions League.

“Qiimihii Chelsea waa la dhimay, balse taasi waa dabeecada Xayawaanka,” Cahill ayaa sidaa yiri.

“Haddii aad xaqiiqooyin raadineyso, kooxdan waxay ahayd mid aad iyo aad u guuleysatay 10-kii sano ee la soo dhaafay iyo tan iyo intii aan halkan joogay lixdii sano ee la soo dhaafay.

Chelsea Barcelona

“Waqti xun iyo mid fiicanba waad lahaan kartaa. Waxaan ka hadli karaa nafsaadeyda markii uu waqtigeygu xumaa waan ka soo kabtay dibna u guuleystay, kooxdana sidaa oo kale ayay sameynaysaa.

“Halkaasi waxaan aadeynaa innagoo qabna kalsooni, waxaan sameyn karnaa bandhig fiican waxaana sameyn karnaa tan ugu fiican ee karaankeena ah si aan ugu soo gudubno wareega xiga.

“Hal kulan ayaa nooga dhiman inaan u gudubno wareega xiga taa oo aan ku wajaheyno koox heer caalami ah.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles