(Barcelona) 13 Maarso 2018 Tababare Ernesto Valverde ayaa go’aansaday inuu keyd galiyo laacib muhiim u ah kooxdiisa kulanka Chelsea.
Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Ernesto Valverde uu keydka galin doono markale weerar yahanka reer France ee Ousmane Dembele xili shaki laga muujinayo taam ahaan shaha kabtan Iniesta.
Laacib kaan ayaa qaab ciyaareed aad loola dhacay soo bandhigay kulankii sabtiga Barcelona ay 2-0 uga adkaatay kooxda Malaga oo ay marti u ahaayeen.
Tababare Valverde ayaa keydka dhigay laacib kaan kulankii lugta hore, waxaana la sheegay in sidii oo kale keydka loo galin doono kulanka habeen dambe.
Valverde ayaa u arka in kulanka Chelsea uusan ahayn kii Ousmane Dembele maadaama loo baahan yahay xoog iyo difaac isku dheeli tiran.
Wuxuuna xooga saarayaa sidii uu kulan kaas u safi lahaa Paulinho iyo Andre Gomes si uu uga faa’idaysto difaacooda marka kooxda weerar lagu yahay.
Gool FM