Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Xaqiiqooyin ku aadan kulanka caawa ee Barcelona vs Chelsea

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2018. Barcelona iyo Chelsea ayaa caawa ku ciyaari doona Camp Nou lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League iyadoo lugtii hore ee Stamford Bridge lagu soo kala baxay 1-1.

Haddaba ka bogo Xaqiiqooyin ku aadan kulanka caawa:

◾Barcelona ayaa laga adkaaday kaliya afar jeer 39-kulan ay wareega bug baxa Champions League ku ciyaartay mininkeeda (25-guul iyo 10-bar baro), Liverpool ayaana ah kooxda kaliya ee reer England ee ku soo adkaata Camp Nou (2-1 bishii Feebaraayo 2007).

◾Barcelona ayaa adkaatay 23 kulan oo Champions League ay ka hortimdi kooxaha England, waana in ka badan koox kasta oo tartanka ku jirta.

◾Lionel Messi ayaa Chelsea ka dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay lugtii hore kaddib sagaal kulan uu la ciyaaray. Yeelkeede, waa laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxaha England (18-gool)

◾Luis Suarez ayaa ku guul darreystay inuu wax gool ah dhaliyo 881 daqiiqo ee Champions League, waana abaartii ugu dheereed ee tartankan ka qabsata. Goolkiisii ugu dambeeyay wuxuu ka dhaliyay PSG bishan oo kale 2017.

◾Chelsea lagama adkaan sideedii kulan ee ugu dambeeyay ay Champions League la ciyaarto Barcelona (2-guul iyo 6-bar baro), Afartii kulan ee ugu dambeeyay ay soo booqato Nou Camp wuxuu ku idlaaday bar baro.

◾ Blues ayaa loo taagay Afar kaarka cas kulamada Champions League ay la ciyaartay Barcelona taa oo ka dhigan in 33% kaararka cas ay ka qaadatay tartankan ay ku bexeen kulankan.

◾Chelsea ayaa ka soo adkaatay Atletico Madrid kal ciyaareedkan, waxayna noqon kartaa kooxdii saddexaad oo bannaanka uga soo adkaata labo koox oo reer Spain isla hal xilli ciyaareed oo Champions League, waxaana sidaa horey u sameeyay AC Milan oo wada martay (v Barcelona iyo Deportivo xilli ciyaareedkii 2000-01) iyo Roma oo cagta wada marisay (v Real Madrid iyo Valencia kal ciyaareedkii 2002-03).

◾Lix ka mid ah sagaalka gool uu Willian Champions League u dhaliyay Chelsea wuxuu ka dhaliyay diilinta ganaaxa bannaankeeda. Tan iyo sidii uu ugu soo biiray Blues 2013, wiilka reer Brazil ayaa ah laacibka goolasha ugu badan bannaanka ka dhaliya tartanka Champions League.

◾Eden Hazard ayaa saaxiibadiisa 23-jeer u abuuray Shuut/Laadad tartanka Champions League kal ciyaareedkan, isaga iyo Neymar ayaana ugu badan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles