Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Nemanja Matic oo runta u sheegay kooxdiisa Man United kadib guul daradii xalay (Muxuu yiri?)

$
0
0

(Manchester) 14 Maarso 2018 Laacibka reer Serbia ee Nemanja Matic ayaa runta u sheegay kooxdiisa kadib markii xalay laga reebay Champions League.

Sevilla oo kulankii lugta hore ay ku kala baxeen 0-0 ayaa xalay Old Trafford 2-1 uga adkaatay kooxda tababare Jose Mourinho.

Nemanja Matic oo runta ka hadlay ayaa sheegay in kooxdiisu aysan wax cudur daar ah lahayn isla markaana ay u qalantay in laga reebo koobka horyaalada yurub.

“Ma jirto wax marmarsiiyo ah oo aan haysano, waxaan ciyaarta la soo galnay kalsooni kadib guushii aan ka gaarnay Liverpool” ayuu yiri Nemanja Matic.

Isaga oo hadalka sii wata ayuu yiri: “Laakiin Sevilla ayaa sifiican u ciyaartay wayna u qalmeen inay soo baxaan, kubadda cagta ayaa sidaas iska ah, waa inaan xooga saarnaa kulanka sabtiga ee muhiimka ah ee koobka FA Cup-ka”.

Manchester United ayaa sabtiga waqti dambe garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan FA Cup-ka.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles