Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Laacibkii xalay reebay Man United oo la yaabay saadaal uu shalay bixiyay mid kamid ah taageerayaasha Arsenal

$
0
0

(Manchester) 14 Maarso 2018 Mid kamid ah taageerayaasha Arsenal ee barta Twitter-ka ayaa si kalsooni ku dheehantahay shalay u saadaaliyay in Wissam Ben Yedder uu reebi doono Manchester United.

“Ninkani (Ben Yedder) wuxuu isku dayi doonaa kaligiis inuu ka saaro United Champions League barri, dib u xusuuso qoraalkaan” ayuu soo qoray mid kamid ah taageerayaasha Arsenal isaga oo isticmaalaya sawirka weerar yahanka reer France.

Saadaasha ayaa sidii uu sheegay u dhacday, Ben Yedder ayaana 2-gool ka dhaliyay Manchester United oo sidaas uu uga reebay koobka horyaalada yurub.

Ben Yedder qudhiisa ayaa qaadan waayay sida taageerahaas uu u saadaaliyay inuu isagu dhabar jabin doono Manchester United, wuxuuna dib u xusuustay qoraalkii taageeraha isaga oo ugu jawaab celiyay:

“Isagu xitaa aniga horteey ayuuba ogaa.. lol” ayuu soo qoray Wissam Ben Yedder oo la yaaban sidii uu taageerahaas u saadaaliyay ciyaarta.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles