(Barcelona) 14 Maarso 2018 – Waxaa caawa jirta ciyaar adag oo dhex mareeysa Barcelona vs Chelsea taasoo ka mid ah boosaska weli aan lagu kala bixin ee ka bannaan rubuc-dhamaadka Champions League.
Dhanka Barcelona
Ernesto Valverde ayaa waxaa ka maqan dhowr laacib oo dhaaawacan sida laacibiinta Nelson Semedo, Iniesta iyo Denis Suarez. Philippe Coutinho ayaa waa ka lug xiran yahay Champions League, halka Luis Suarez uu laba jaalle ku maqan yahay.
Dhanka Chelsea
Antonio Conte ayaa haysta kooxdiisa oo idil marka laga reebo Ross Barkley oo aan faya qabin ciyaarta Barcelona. Yeelkeede, waxaa shaki ku jiraa David Luiz maaddaama uu inta badan fasalkan dhaawac iyo soo bixitaanka Christensen ku seegay, sidaa darteed uma badna inuu ciyaartan caawa kasoo muuqdo.
Shaxda suurtagalka ah ee Barcelona (4-4-2)
Ter Stegan
Roberto – Pique – Umtiti – Alba
Dembele – Busquets – Paulinho – Rakitic
Messi – Paco Alcacer
Shaxda suurtagalka ah Chelsea (3-4-2-1)
Courtois
Azpilicueta – Christensen – Cahill
Moses – Kante – Fabregas – Alonso
Willian – Hazard
Morata
Gool FM