Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Carles Puyol oo uga digay Barcelona khatarta mid kamid ah ciyaartoyda Chelsea

$
0
0

(Barcelona) 14 Maarso 2018 Kabtankii hore ee Barcelona ayaa uga digay ciyaartoyda kooxdiisii hore inay iska ilaaliyaan qatar ay kala kulmi karaan mid kamid ah ciyaartoyda Chelsea kulanka caawa.

Inkasta oo aan la hubin in la safayo ayuu hadana Carles Puyol ka digay qatarta Alvaro Morata kaas oo keyd ka galay kooxdiisa kulamadii u danbeeyay.

Related image

Carles Puyol ayaa sheegay inuu ogyahay in laacibku uu ka dhaawacmay dhabarka balse uu yahay weerar yahan marwalba gool dhaliya isla markaana leh qatartiisa.

“Alvaro Morata waa laacib aad cajiib u ah, marwalbana goolal ayuu dhaliyaa, dhabarka ayeey dhibaato ka soo gaartay laakiin waa laacib halis ah” ayuu yiri Carles Puyol oo qatartiisa u bidhaaminayay ciyaartoyda Barcelona.

“Ma garanayo sida xaaladiisa jir ahaaneed ay haatan tahay, 100% taam ha ahaado ama yuusan ahaan, marwalba waa laacib aad muhiim ugu ah kooxda Chelsea”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles