(Manchester) 26 Abriil 2016. Real Madrid ayaa caawa lugta hore ee wareega afar dhammaadka Champions League Etihad Stadium kula ciyaari doonta kooxda Man City laakiin waa inay iska ilaalisaa inay soo celis dhibaatooyinka sanadihii dhawaa.
Wiilasha tababare Zinedine Zidane ayaa imaanaya semi final ka tartankan markii 6-aad oo xiriir ah, hayeeshee waxay guul gaareen hal mar oo qura lugta hore ee semi-final 5-tii ugu dambeysay.
Waxaa taa u dheer in lugtii hore ee sideed dhammaadka ay la yeesheen Wolfsburg waxay ku qasabtay inay dib isaga soo gudaan guul darradii hore ee la soo gaarsiiyay.
Guusha kaliya ay gaareen lugta hore ee semi final CL ee 5-tii sano ee ugu dambeysay 1-0 Bayern waxay u horseeday finalka lagu ciyaarayay Lisbon iyagoona garaacay Atletico si ay koobka u hantaan.
Haddaba Real Madrid waa inay khibrad ka heshaa kulamadii ay lugta hore ee afar dhammaadka tartankan ku soo ag kuftay kooxaha Bayern, Barcelona, Borussia Dortmund, iyo Juventus isla markaana ay sheekadaa soo celin kulanka caawa ee Man City.
Gool FM.