Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Hernanes oo aaminsan in Juventus ay hanan karto Champions League!

$
0
0

(Turin) 23 Abriil 2016m Laacibka qadka dhexe ee kooxda Juventus Hernanes ayaa sheegay in kooxdiisu ay hanan doonto maruun koobka horyaalada yurub.

Hernanes ayaa intaa ku daray in kooxdiisu ay leedahay awood ay ku qaadi karto Champions League isaga oo naftiisa ku qanciyay in Juve aysan moogaa doonin koobkaas.

“Waxaan soo muujinay awood xaqiiqi ah, ma ahan kaliya gudaha talyaaniga ee sidoo kale waxaan ku soo bandhignay koobabka yurub” ayuu yiri Hernanes.

“Waxaan aaminsanahay inaan diyaar u nahay ku guulaysiga Champions League haatan ama markale, ma jirto wax aan ku guulaysanay ilaa haatan”.

“Waxaan u baahanahay qaab ciyaareed joogto ah iyo taxadar kulamada ka haray xiliciyaareedkan”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles