(Spain) 15 Maarso 2018. Messi ayaa xalay markale goobta ka kaabeeyay kaddib cashar uu u dhigay Chelsea.
Gool ayuu uga naxsaday bilowgii ciyaartaba, dabadeed wuxuu farta goo kale ka saaray saaxiibkii Ousmane Dembele, isla isaga ayaana goolka saddexaad kulanka ku soo xiray.
Laakiin filimkaan waa Filim horey loo fiirsaday oo Messi xaalkiisu waa sidan Markasta oo Canug loo dhalo.
Xiddiga reer Argentina ayaa seegay kulankii u dambeeyay ay Barcelona ciyaartay La Liga sababo la xiriira in loo dhalay wiilkiisii saddexaad oo loo bixiyay Ciro.
Haddaba Messi ayaa goolal ku maamuusa caruurtiisa marka ay u dhashaan oo markii uu u dhashay curudkiisa Thiago 2012-kii wuxuu dhaliyay gool kulankii ugu horreeyayba dhalashada wiilkiisa kaddib.
Sidaa oo kale ayuu sameeyay markii uu adduunka ku soo biiray wiilkiisii labaad ee Mateo 2015.
Xalayna waxaa caleemo saarka lahaa wiilkiisii saddexaad oo waxaana lagu soo dhaweeyay labo gool uu ka dhaliyay Chelsea.
Laakiin waxaa sheekada xiiso gaar ah u sii yeelaya in goolkii uu Blues ka dhaliyay 128 ilibiriqsi uun kaddib uu ahaa kii ugu dhaqsiyaha badanaa uu ebid u dhaliyo xul iyo kooxba.
Gool FM.