(Nyon) 15 Maarso 2018 – Waxaa xalay lagu kala baxay kulamadii wareegga 16-ka ee Koobka Horyaallada Yurub ee UEFA Champions League, kaasoo ay kasoo bexeen 8 kooxood oo ciyaaraysa wareegga rubuc-dhamaadka.
Kooxaha soo baxay iyo dalalkooda
Barcelona (ESP)
Bayern München (GER)
Juventus (ITA)
Liverpool (ENG)
Manchester City (ENG)
Real Madrid (ESP, horyaallada)
Roma (ITA)
Sevilla (ESP)
Goorta & goobta qorocootanka?
Samayntab isku aadka UEFA Champions League wareeggiisa 8-dhamaadka ayaa lagu qaban doonaa rugta xiriirka UEFA ee Nyon berri oo Jimce ah 16 Maarso. Wuxuu bilaabmi doonaa 12:00CET, halka isku aadka UEFA Europa League uu dhacayo saacad kaddib 13:00CET.
Yaa door ka qaadanaya?
Danjiraha final-ka UEFA Champions League oo sanadkan ka dhacaya Kiev oo ah Andriy Shevchenko ayaa gacan ka gaysan doona samaynta isku aadka.
Goorma ayaa kulamada la samaynayo la ciyaarayaa?
Lugta hore ayaa dhacaysa Talaado 3, iyo Aboco waa Abriil 4, lugta 2-aadna waa Talaado 10 iyo Arnoco 11 Abriil. Saacadaha waxaa lagu xaqiijin doonaa isku aadka.
Maxaa ku xiga?
Kulamada Rubuc dhamaadka: 3/4 & 10/11 Abriil
Isku aadka nus-dhamaadka: 13 Abriil
Kulamada Nus-dhamaadka: 24/25 Abriil & 1/2 Maajo
Dhamaadka: Sabti 26 Maajo, NSC Olimpiyskyi stadium, Kyiv
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Gool FM