(Barcelona) 16 Maarso 2018 Lionel Messi ayaa u mahadceliyay taageerayaasha Barcelona kadib markii ay soo muujiyeen boor wayn oo ay ugu ducaynayeen isaga kulankii Chelsea.
Boor wayn oo muuqday ayaa lagu arkayay goolka gadaashiisa, taageerayaasha ayaana ilaaheey waydiistay inuu u xifdiyo boqorkooda.
“Rabiyow xafid (Dhawr, ilaali) boqorka” ayaa lagu soo qoray boorka kaas oo si wayn uga soo muuqanayay Camp Nou intii ay socotay ciyaarta.
Messi oo la dhacay sida loogu duceeyay isla markaana ka farxiyay taageerayaasha kadib 2-dii gool ee uu dhaliyay iyo goolkii kale ee uu abuuray ayaa ku soo qoray bartiisa Instagram-ka:
“Waad ku mahadsantihiin qalbi furnaanta, jacaylka iyo taageerada intii ay socotay ciyaarta, wuxuu ahaa habeen qurux badan”.
Gool FM