(Madrid) 16 Maarso 2018 Daafaca reer Spain ee Dani Carvajal ayaa sheegay magaca kooxda uu doonayo in lagu beego isku aadka Champions League.
Dani Carvajal ayaa cadeeyay inuusan jeclayn in kooxdiisa Real Madrid lagu beego kooxaha Spain, wuxuuna intaa ku daray inuu jecelyahay inuu safaro ugu baxo dalalka kale ee yurub.
Carvajal ayaa sheegay inuu dooranayo kooxda Juventus oo ay sanadkii hore ka qaadeen koobka horyaalada yurub.
Laacibka oo waraysi dheer siiyay idaacada Onda Cero ayaa yiri:
“Ani ahaan ma doonayo in nalgu soo beego koox Spanish ah Champions League, waxaan inbadan jeclahay inaan u safro dalalka kale ee yurub”.
“Haddii ay tahay inaan doorto hal koox, ani ahaan waxaan dooranayaa ka hortagida Juventus koobka horyaalada yurub”.
“Ma jirto sabab aan si gaar ah iyaga ugu dooranayo, laakiin waxaan jeclahay inaan ka hortago waayo waa koox xoogan oo hadana ajnabi ah”.
Gool FM