(Manchester) 26 Abriil 2016 – Kooxda isku dhaf ah ayaa laga sameeyey kooxaha Manchester City iyo Real Madrid, ka hor kulankooda xiisaha leh ee lugta hore afar dhammaadka Champions League oo ay caawa ku leeyihiin garoonka Etihad.
Shaxdan waxaa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda reer Spain ee Real Madrid, waxaana ay ku leedahay 7 ciyaaryahan, halka afar xiddig oo qura ay ku yeelatay Man City, waxaana shaxdan hoggaaminaya Aguero & Ronaldo.
Silva & Benzema oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ka maqan shaxdan isku dhafka ah oo ay samaysay shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ee halkaan hoose ka eeg magacyada xiddigaha ka soo muuqday.
Gool FM.