Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Saadaasha Gool FM ee cidda ku guuleysanaysa Champions League oo caawa ku eg … (Haddaba yay ku daafin hadiyadda qaaliga ah oo ka faa’iideyso inta waqtiga ka harsan)

$
0
0

(Muqdisho) 26 Abriil 2016 – Saadaasha cidda ku guuleysanaysa tartanka Champions League afarta kooxood ee isugu soo haray Bayern Munich, Real Madrid, Man City iyo Atletico Madrid, taasoo ay abaal-marin qaali ah ku bixinayso Gool FM ayaa caawa ku eg, waxaana ay saadaashu soo bilaabtay 16 bishaan Abriil.

HURUUDDA LAGAA RABO HADDII AAD DOONAYSO INAAD SAADAASHAADA DHIIBATO OO AAD HANATO ABAAL-MARINTAN:-

 1 – Waa inuu qofka saadaasha ka qayb qaadanayaa uu riyaaqo ama LIKE saaro bogga ay Gool FM ku leedahay Facebook.

2 – Jawaabtu waxay kuu furan tahay hal mar oo qura, haddii aad kusoo celceliso waxaan u qaadan doonnaa inaadan nidaamka ixtiraamaynin, waana la tuuri doonaa jawaabtaada oo dhan.

3 – Waa inaad soo sheegtaa magacaga haddii lacalla aad Facebook kusoo gasho wax aan magacaaga ahayn.

4 – Waxaad sheegaysaa labada kooxood ee final-ka iskugusoo haraya iyo goolasha ay ku kala bixi doonaan.

Haddaba soo saadaali kooxaha isugu imaan doona Fiinaalaha iyo kooxda ugu dambayn qaadeysa.

F/G: Natiijada waa muhiim, haddii aad ku guuleysato waxaad heli doonta oo ay Gool FM kugu abaal-marin doonta Mobile Iphone ah gaar ahaan noocii ugu dambeeyey.

Dadka ku sugan gobollada dalka Soomaaliya waxa ay saadaashooda ku soo dhiiban karaan farriinta gaaban ee idaacadda oo ah 388, halka taageerayaasha ciyaaraha ee ku kala sugan dunida dacalladeeda ay saadaashooda ku soo dhiiban karaan Facebook.com/goolfm.

Saadaasha waxa ay ku eg tahay caawa marka la baasto kulanka Man City iyo Real Madrid, wixii ka dambeeya codkaaga ma tixgelin doonno ee haddaba saadaashaada dhiibo oo yaysan ku daafin hadiyadda qaaliga ah kana faa’iideyso inta yare e waqtiga ka harsan.

– Saadaal wacan –

Sadaal-768x461

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles