(Torino) 19 Maarso 2018 Juventus ayaa helaysa akhbaar aan fiicnayn ka hor kulanka ay marti qaadi doonto kooxda difaacanaysa Champions League ee Real Madrid.
Kooxda reer Talyaani ayaa si rasmi ah u waynaysa kulanka lugta hore ee Real Madrid ciyaartoyda kala ah Mehdi Benatia iyo Miralem Pjanic.
Laakiin kooxda ayaa helaysa akhbaar taas ka sii daran kadib markii ay soo wajahday cabsi ah in Giorgio Chiellini uu seego kulanka lugta hore ee Real Madrid.
Giorgio Chiellini ayuu dhaawac soo gaaray kulankii Juventus ay 0-0 la gashay kooxda SPAL 2013 sabtigii, laacibka ayaana laga reebay xulka talyaaniga ee la ciyaaraya xulalka Argentina iyo England.
Sida ay baahisay TuttoSport, Giorgio Chiellini ayeey u badan tahay inuu ka maqnaado kulanka Real Madrid, warkaas ayaana ah mid aan u wanaagsanayn dhagaha taageerayaasha kooxda reer talyaani.
Juventus ayaa dadaal badan ku bixinaysa sidii Giorgio Chiellini uu taam ugu noqon lahaa kulanka Real Madrid oo la ciyaarayo 3-da bisha April.
Gool FM