Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Juventus oo ka hadashay dhaawaca Giorgio Chiellini (Diyaar ma u yahay kulamada Milan iyo Real Madrid?)

$
0
0

(Torino) 20 Maarso 2018 Juventus ayaa war rasmi ah ka soo saartay dhaawaca daafacooda Giorgio Chiellini ka hor kulamada AC.Milan iyo Real Madrid.

Laacibka ayaa ku dhaawacmay kulan sabtigii Juventus ay 0-0 la gashay kooxda SPAL 2013, waxaana shaki la galiyay in laacibku uu taam u noqon karo kulamada muhiimka ah ee Juventus ay ciyaari doonto hal isbuuc kadib.

Juventus ayaa xaqiijisay in dhaawaca Giorgio Chiellini uu yahay mid fudud isla markaana u baahan in laacibka si maalin le ah loo eego xaaladiisa, kooxda ayaa intaa ku dartay in laacibku uu durbadiiba bilaabay daawaynta dhaawiciisa.

“Chiellini waxaa lagu sameeyay baaritaan dheeraad ah kadib dhaawicii dhanka muruqa bowdada midig ee ka soo gaaray kulankii SPAL, dhaawacaas oo dartiis uu uga tagay xerada tababarka ee xulka talyaaniga, baaritaanada ayaa lagu ogaaday in dhaawaca laacibku uusan ahayn mid halis ah, wuxuuna u baahan yahay oo kaliya in si maalin le ah loo la socdo xaaladiisa, laacibku si dhab ah ayuu u bilaabay daawayntiisa, isbuuca soo socda ayaa la qiimayn doonaa xaaladiisa” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Juventus.

Giorgio Chiellini ayaa loo badinayaa inuu taam u noqdo kulanka AC.Milan laakiin sida muuqada laacibku si buuxda ayuu taam ugu noqon karaa kulanka xiga kaas ee Real Madrid.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles