Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Mahadsanidiin, Weligeey sidaan oo kale la iima sameyn.”.- Ronaldo oo la hadlay Taageerayaasha Juventus

$
0
0

(Europe) 04 Abriil 2018. Taageerayaasha Juventus ayaa u saro kacay una sacbo tumay Cristiano Ronaldo kaddib markii uu ka dhaliyay Gool Labaaley ah ciyaartii ay xalay Real Madrid ku adkaatay 3-0.

Xiddiga Real Madrid ayaa si wayn ugu mahad celiyay taageerayaasha isagoona sheegay in weligiis horey sidaa loogu sameyn waayihiisa ciyaareed.

“Waxay ahayd waqti aan innaba caadi ahayn,” CR7 ayaa ciyaarta kaddib sidaa u shegay UEFA.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo dhammaan taageerayaasha Juventus, maadaama ay sameeyeen wax cajiib ah taa oo marna horey iigu dhicin waayaheyga ciyaareed.”.

Juventus fans stand up to applaud Cristiano Ronaldo's stupendous overhead kick

Ronaldo oo sidoo kale ka hadlaya kulanka iyo goolkiisa ayaa yiri:

“Wuxuu ahaa gool wayn. Maxaan dhihi karaa?, wuxuu ahaa mid Cajiib ah.

“Ma fileyn inaan dhalinayo goolkaas, laakiin aan ka hadalno kulanka.

“Waxaan aaminsanahay in kulanku cajiib ahaa waxaana saddex gool ka dhalinay Juventus, koox wayn.

“Waxaan caawiyay kooxda, waxaan dhaliyay labo gool wuxuuna ahaa habeen wayn.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles