(Torino) 04 Abriil 2018 Gareth Bale ayaa xalay soo muujiyay inuusan wax niyad ah u hayn kooxdiisa kadib guushii 3-0 ee kooxdu ay ka gaartay Juventus.
Tababare Zidane ayaa xalay keydka ku cabay Bale kaas oo aan xitaa helin daqiiqado yar oo uu ciyaaro kulankii xalay.
Kaamirooyinka garoonka ayaa soo qabanayay Gareth Bale oo iska fadhiya xili ciyaartoyda kale ee Real Madrid ee dhanka keydka ay si waali ah ugu dabaal dagayeen goolkii labaad ee cajiibka ahaa ee Ronaldo uu ka dhaliyay Juventus.
Check out this awesome video: Gareth Bale Funny Reaction To Cristiano Ronaldo’s Super Goal vs Juventus! https://t.co/1ROjlTcH1F
— WF Productions (@productionsWF) April 4, 2018
Barnaamijka El Chiringuito ayaa daaha ka qaaday in Bale uu sameeyay wax ay ka xishoodeen taageerayaasha Juventus kuwaas oo inta istaagay u sacabtumay xalay Ronaldo.
Bale ayaa noqday shaqsiga kaliya ee aan u dabaal dagin goolkii Ronaldo ee labaalayda ahaa marka loo eego intii ku sugnayd gudaha garoonka oo ay ku jiraan xitaa taageerayaasha Juventus.
Gool FM