(Spain) 05 Abriil 2018. Cristiano Ronaldo ayaa habeen hore ka dhaliyay Juventus mid ka mid ah goolashii ugu qurxoonaa Champions League ciyaartii ay 3-0 uga adkaadeen kaddib markii uu ka xareeyay Labaaleey uu joog dheer kacay.
Zidane ayaa bidaarta salaaxday, Taageerayaasha Juventus ayaa u istaagay laacibka reer Portugal oo u sacbo tumay, halka Daafaca Andrea Barzagli uu gacmaha taagay sida qof dhahaya: ‘Maxaan ka sameyn karnaa midaan”.
Iyadoo ay jireen intaa oo dhan, misane Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez inuu Ronaldo u sacbo tumo iska dhaafee xitaa isma uusan nuuxin.
Jariiradda Sport iyo El Confidencial, ayaa sababta ku sheegay in xiriirka Ronaldo iyo Madaxwaynaha uusan fiicneyn beryihii dambe.
Ronaldo ayaa doonaya in laga dhigo laacibka ugu mushaarka badan kubbada cagta ama ugu yaraan laga sara mariyo Lionel Messi oo iminka ka horreeya, isagoo sidoo kale doonaya in loo dheereeyo qandaraaska kooxda, sheeko u muuqata inuu Perez ka cago jiidayo.
Goolasha Muhiimka ah uu Ronaldo baryahaan sida joogtada ah u dhalinayo waa kuwa ku qasbaya Real Madrid inay kordhiso Mushaarkiisa.
Perez ayaa ka warqaba labada gool uu Ronaldo ka dhaliyay Juventus iyo waliba qaab ciyaareedka shidan u baryahaan ku jiro ay awood buuxda siineyso marka ay soo wada fariistaan miiska wada hadalada heshiis kordhinta.
Gool FM.