(Barcelona) 05 Abriil 2018. Daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa sharaxaad ka bixiyay dabaal degii uu xalay sameeyay ciyaartii ay 4-1 uga adkaadeen Roma lugta hore ee sideed dhammaadka Champions League ee lagu ciyaaray Nou Camp.
Daafaca reer France ayaa u dabaal degay gool uu iska dhaliyay daafaca kooxda reer Talyaani ee Kostas Manolas.
Wuxuu shumiyay calaamada Barca isagoo muujinaya sida uu u jecel yahay kooxda reer Spain taa oo dhabar jab wayn ku ah Jose Mourinho oo si daran u doonayay.
Ciyaarta kaddib Umtiti oo fasiraya dabaal degiisa ayaa beIN SPORTS u sheegay:
“Waa dabaal deg uu qofkasta sameeyo, waxaan doonay uun inaan sheego sida aan u jecelahay kooxdan.
“Waan ciyaaraa uun waxaana isku dayaa inaan si sax u sameeyo waxyaabaha, tani waa tan iigu muhiimsan aniga, waxan isku dayaa inaan midaa u sameeyo koox sida Barcelona oo kale ah aana sii wado inaan u sameeyo.
“Waxyaabaha kale oo dhan, Waxaa jira waxyaabo ay sheegeen saxaafada. Qaar wa Run Qaarna waa Qalad, laakiin waxaan diirada saarayaa uun kubbada cagta.”.
Gool FM.