Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu u Ooyay Roberto Firmino ka hor kulankii xalay ee Manchester City? Isaga ayaa ka jawaabay

$
0
0

(Liverpool) 05 Abriil 2018 Roberto Firmino ayaa qirtay inuu xalay ilmeeyay ka hor inta aysan bilaaban ciyaartii ay uga adkaadeen Manchester City.

Laacibka reer Brazil ayaa sheegay inuu rumaysan waayay jawigii taageerayaasha Liverpool ay ku soo bandhigeen Anfield ciyaarta ka hor.

man (4)

Taageerayaasha ayaa ku heesayay heesta ay caanka ku tahay Liverpool, waxayna soo bandhigeen jawi ay aad ula dheceen ciyaartoyda kooxda.

“Wuxuu ahaa jawi aan caadi ahayn, adduun kale ayaan joognay markii aan ku sii soconay garoonka, waan u mahadcelinaynaa taageerayaasha, marwalba iyaga dartood ayaan u ciyaarnaa” ayuu yiri Roberto Firmino.

“Jawigaas wuxuu sababay inaan ilmeeyo, wuxuu ahaa jawi khiyaali ah, waxaadba mooday in ciyaartu ay bilaabatay ka hor intii uusan garsooruhu yeerin seeriga”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles