Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Qof kasta ayay wax wayn u tahay inuu la ciyaaro Cristiano Ronaldo.”. Sidaa waxaa yiri laacib ka tirsan Man City

$
0
0

yarrka

(Manchester) 26 Abriil 2016. Man City ayaa caawa Etihad Stadium ku marti gali doonta Real Madrid lugta hore ee semi final ka Champions League, laakiin kulanka waxaa dhararaya oo ay qiimo wayn ugu fadhiyaa da’yarka Man City ee Kelechi Iheanacho.

Weeraryahanka reer Nigeria ayaa muhiim u ahaa Man City dhawaanahanba wuxuuna u dhaliyay 2-gool kulankii ay 4-0 uga adkaadeen Stoke City.

Iheanacho, oo weli 19-jir uun ah ayaa garanaya muhimada wayn uu leeyahay kulanka caawa.

“Waxay noqon doontaa riyo ii rumowyday inaan ka hor imaado Real Madrid,” Kelechi Iheanacho ayaa sidaa yiri.

yarka

“Ronaldo iyo laacibka Barcelona Lionel Messi waa xiddigaha ugu fiican adduunka, sidaa darteed waxaan u maleynayaa inaad ka hortimaado inay wax wayn u tahay qof kastaa.

Da’yarka oo ka hadlaya inay kooxdiisu u diyaar tahay wajihida Los Blancos ayaa misane yiri: “Bandhig wayn ayay u ahayd qofkasta, si wacan ayuu sameeyay qok kasta, ku kastana taam ayuu u yahay inuu wajoho Real Madrid.”.

Man City ayaa caawa ciyaareysa semi final ka Champions League markeedii ugu horreysay taariikhda.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles