(Madrid) 11 Abriil 2018. Kabtan Sergio Ramos ayaa caawa ganaax ku seegi doona kulanka lugta labaad ee wareega sideed dhammaadka Champions League.
Los Blancos ayaa Juventus uga soo adkaatay 3-0 lugtii hore ee lagu soo ciyaaray Talyaaniga, laakiin Roma ayaa xalay tusisay caalamka in kubbada cagta ay waxkasta suuro gal ka tahay kaddib markii ay Champions League ka soo ciribtireen muruq waynta Barcelona.
Marcelo ayaa caawa xiran doona calaamada kabtannimo ee kooxda Real Madrid waana mid uu u qalmo.
Wiilka reer Brazil ayaa noqday xiddiga ajnabiga ee ugu guulaha badan taariikhda kooxda Real Madrid, wuxuuna caawa eeganayaa inuu guul kale ku darsado marka ay Bernabeu ku marti galiyaan Marwada Duqda ah.
Marcelo ayaa 11-sano u soo ciyaaray Los Blancos wuxuuna wareysi uu horey u bixiyay ku sheegay inuu dareemayo sida inuu ka soo baxay Akaadamiyada kooxda reer Spain.
Gool FM.