(England) 11 Abriil 2018. Philippe Coutinho ayaa ka soo tagay Liverpool bishii Janaayo, laakiin Barcelona uma safan karin Champions League maadaama uu u soo ciyaaray kooxdiisii hore ee Reds.
Sidaa darteed laacibka reer Brazil ayaa heli kara bilada dahabka haddii ay Liverpool ku guuleysato tartanka Champions League.
Reds ayaa 5-1 isku cel celis labada lug ee sideed dhammaadka uga soo talaabsatay kooxda Manchester City.
Taa oo la micno ah inay saddex kulan oo qura u jiraan inay ku guuleystaan koobka dhaga waynaha markii ugu horreysay 13-sano kaddib kolkaa ay ka qaadeen AC Milan.
Inkastuu Coutinho iminka ahayn laacib ka tirsan Liverpool misane bilada dahabka ayuu heli karaa haddii ay koobka qaadaan bisha May.
Kubbad qaabeeyaha ayaa Liverpool u soo ciyaaray 5 ka mid ah lixdii kulan ay ciyaartay wareega group yada Champions League ee kal ciyaareedkan ka hor inta uusan ku biirin Barcelona.
Wuxuu u dhaliyay shan gool oo ay ka mid tahay saddexleey uu ka xareeyay Spartak Moscow kulan ay 7-0 uga adkaadeen.
UEFA ayaa kooxda ku guuleysata CL u ogol 40-biladood oo dahab ah halka kooxda kaalinta labaad gashayna ay heli doonto 40-bilad oo qalin ah, sidaa darteed Coutinho ayaa mid heli kara haddii ay kooxdiisa hore hanato koobka, malaha wuxuu iminka ku duceysanayaa inay Liverpool koobka qaado.
Gool FM.