(England) 11 Abriil 2018. Manchester City ayaa jabkii xalay ee Liverpool kaddib la kulmeysa jab kale kaddib markii ay UEFA anshax xumu ku soo eedeysay tababarahooda Pep Guardiola.
47-jirka ayaa laga ceyriyay kursiga tababarayaasha iyadoona loo diray kuraasta sare kaddib markii uu ku qeyliyay garsoore Antonio Miguel Mateu Lahoz, ciyaartii ay xalay guul darada 2-1 kala kulmeen Liverpool lugta labaad ee wareega sideed dhammaadka Champions League.
UEFA ayaa iminka si rasmi ah macallinka reer Spain ugu soo oogtay dacwad Anshax xumo.
Sidoo kale UEFA ayaa sidoo kale taageerayaasha Liverpool ku soo oogtay inay walxaha holca daarayeen dheeshii xalay isla markaana ay waxyaabo ku soo tuurayeen garoonka Etihad.
Kiiskan dacwada ayaa la dhageysan doonaa 31-da bisha May.
Gool FM.