Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Alvaro Arbeloa oo uga daray Barcelona kaddib isaga oo xalay tiigsaday Twitter-ka guuldaraddii xanuunka badneyd ee soo gaartay kaddib

$
0
0

(Madrid) 11 Abriil 2018. Dad aan tiradooda badneyn ayaa xalay daawaday Barcelona oo laga reebayo Champions league xilli ay soo baxday natiijo shoog ku ridday dunida kubadda cagta, waxaa dadkaas ka mid ahaa Alvaro Arbeloa.

Daaficii hore ee Real Madrid waxa uu uga falceliyey Twitter uu soo dhigay oo aan wax qoraal ah wadan.

Halkii wuu dareenkiisa ku muujin lahaa qoraal waxa uu ka doortay callaamadaha oohinta!

Barcelona waxaa ku dhacday tii dheereyd xalay kaddib markii ay Roma uga badisay 3-0.

Lugtii hore ee ka dhacday Camp Nou Barcelona waxa ay ku soo badisay 4-1 mana jirin cid is lahayd wey hari doonta.

Hase ahaatee, ciyaartii xalay oo aysan jirin cid hadal haysay waxa ka soo bixi kara inta aysan bilaaban kahor ayaa noqotay mid hadal haynteeda waligeed jiri doonto.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles