(Torino) 12 Abriil 2018 Intabadan wargaysyada adduunka ayaa maanta bilaabay inay sameeyaan ra’yi uruurin ku aadan rigooradii loo dhigay Real Madrid.
Arinka la yaabka leh ayaa noqday in intabadan taageerayaasha horyaalka talyaaniga ay u codeeyeen in rigooradaas ay ahayd go’aan sax ah oo uu qaatay garsooraha.
ilaa iyo 19-kun oo ah taageerayaasha horyaalka talyaaniga ayaa ka qayb qaatay ra’yi uruurin uu sameeyay wargayska La Gazzetta dello Sport.
70% dadkii dhiibtay codkooda waxay taageereen in go’aankii garsooraha uu ahaa mid sax ah isla markaana aan qalad laga galin kooxda Juventus.
Gool FM