Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ogoow kooxda ay aadka uga cabsanayaan taageerayaasha Real Madrid ka hor isku aadka Maanta

$
0
0

(Madrid) 13 Abriil 2018 Maanta ayaa la samaynayaa isku aadka Semi Final-ka koobka horyaalada yurub, waxaana isugu soo haray 4-koox oo kala matalaya 4-dal oo kala duwan.

Real Madrid, Liverpool, Bayern Munich iyo Roma oo kala matalaya Spain, England, Germany iyo Italy ayaa loo samaynayaa duhurnimada maanta isku aadka Semi Final-ka.

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa aad uga cabsi qaba in lagu beego Semi Final-ka kooxda Liverpool sida ay baahisay Marca.

Waxayna aad u doonayaan in lagu aadiyo kooxdii soo reebtay Barcelona ee Roma, laakiin cabsidooda ugu wayn ayaa ah in aan lagu beegin Liverpool.

Ra’yi u ruurin Marca ay ka dhex samaysay taageerayaasha Real Madrid waxaa ka qayb qaatay in kabadan 62-kun oo taageerayaal ah.

51% waxay doorteen in lagu beego Roma taas oo ka dhigaysa inay tahay kooxda ay aadka u doonayaan, 29% waxay doorteen Bayern Munich, halka 20% ay doorteen Liverpool, waana kooxda tirada ugu yar ay doorteen maadaama intabadan taageerayaasha Real Madrid aysan doonayn in lagu beego.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles