Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Wenger oo ka baqaya kooxdaan ka hor isku aadka Semi Final-ka Europa League

$
0
0

(London) 13 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ayaa ka dhawaajiyay magaca koox uu aad uga baqayo in lagu beego isku aadka maanta.

Arsenal ayaa xalay 2-2 lagashay kooxda CSKA Moscow, waxayna ku soo baxday wadar ahaan 6-3 marka la isku daro goolashii labada lug.

Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxda ugu xoogan Semi Final-ka Champions League ay tahay Atletico Madrid, wuxuuna ka muujiyay xogaa baqdin ah.

“Atletico Madrid ayaa ah kooxda ugu xoogan, laakiin waa inaan sifiican ula ciyaarnaa koox walba oo aan ka hortagno” ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Isku aadka Semi Final-ka Europa League ayaa la samaynayaa 1-da duhurnimo ee waqtiga barriga afrika.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles