Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: Sergio Ramos oo ka badbaaday ganaaxii UEFA iyo laacibka oo ciyaari kara ……

$
0
0

(Madrid) 13 Abriil 2018 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka badbaaday ganaax la filayay inuu uga yimaado dhanka UEFA.

Laacibka ayaa soo istaagay halka laga soo galo garoonka kulankii 3-1 looga adkaaday kooxdiisa Real Madrid arbacadii.

Muran badan ayaa ka dhashay kadib markii Ramos lagu arkay irida laga soo galo garoonka, waxaana la filayay in la ganaaxo laacibka Real Madrid.

Garsoorihii ciyaarta ayaa warbixinta ku qoray in Ramos uusan taaban cowska garoonka balse uu soo istaagay kaliya halka laga soo galo garoonka.

UEFA ayaana qaadatay go’aan ah in Ramos uusan wax dambi ah galin isla markaana uu kooxdiisa u ciyaari karo kulamada Semi Final-ka Champions League.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles