Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Roma oo fariin qiiro leh u dirtay Mohamed Salah ka hor Semi Final-ka iyo laacibka oo u jawaabay

$
0
0

(Roma) 13 Abriil 2018 Kooxda Roma ayaa markii ugu horaysay ka hortagaysa laacibkeedii hore ee Mohamed Salah Semi Final-ka Champions League.

Roma ayaa fariin qiiro leh u soo dirtay wiilka reer Masar taas oo Salah ay ugu sheegtay inay cadaw isku yihiin kaliya 180-daqiiqo, balse wixii ka danbeeya ay ahaan doonaan saaxiibo inta ka dhiman nolosha.

“Waxaan cadaw isku noqonaynaa 180 daqiiqo, laakiin wax walba oo dhaca waxaan ahaanaynaa saaxiibo inta ka dhiman nolosha, waan ku faraxsanahay inaan ku aragno markale Mohamed Salah” ayaa lagu soo qoray Barta Twitter-ka ee kooxda Roma isku aadka kadib.

Mohamed Salah ayaa ugu jawaab celiyay qoraalka kooxdiisii hore “100%” oo uu ula jeedo in hadalkoodu uu yahay mid sax ah.

Roma ay kulanka lugta hore u safraysa Liverpool, halka kulanka lugta labaad ay garoonkeeda ku marti qaadi doonto Salah iyo asxaabtiisa.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles